Somali News

Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Baydhabo oo xoogeystay, Goobaha ganacsiga iyo iskuulada oo saakay xiran

1 of 1 Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Baydhabo oo xoogeystay, Goobaha ganacsiga iyo iskuulada oo saakay xiran
516 Views Date March 25th, 2014 time 6:49 am

Iyadoo xiisado siyaasadeed ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalintii 3aad xiran goobihii ganacsiga iyo waxbarashada, gaar ahaan iskuulada oo aanay ardayda u kalihin, waxaana jirta cabsi laga qabo isku dhacyo ka dhaca magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka abaabulo xoog leh ayaa ka socda magaalada, kaasoo ku saabsan banaan baxyo looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo habeenkii labaad xalay ku hoyday Baydhabo.

Goobaha ganacsiga iyo iskuulada waxbarashada ayaa ku yaala meelaha ay inta badan dibad baxyada ka dhacayeen labadii maalmood, waana sababta loo xiray in aanay saameyn ama dhibaato ugu yeelan goobahaas.

Waxaa soo baxaya baaqyo iyo digniino laga bixinayo xiisadaha ka jira magaalada, Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa ka digay falal lidi ku ah ammaanka iyo isku dhacyo dhex mara dhinacyada iska soo horjeeda ee xiisada siyaasadeed u dhaxeysa.

Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku haya ammaanka Shariif Xasan iyo wafdigiisa, waxaana taageerayaasha Maamulka lixda Gobol ay wadaa banaan baxa ka dhanka ah Shariifka iyo waxa uu u yimid Baydhabo.

War qoraal ah oo saacado ka hor uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Shariif Xasan ku beeniyay eedeynta ku aadan inuu hub kala soo degay garoonka Baydhabo, isagoo cadeeyay in aanu marnaba raali ka aheyn inuu dhib horseedo, hase ahaatee waxaa uu xusay in mowqifkiisa aanay jirin wax iska bedelay, isla markaana uu sii wadayo dadaalkiisa dhismaha Maamulka saddexda gobol.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Khamiista ayaa qorshuhu yahay in la doorto Hogaamiyaha Maamulka saddexda gobol ee Koofur Galbeed, iyadoo tani ay jawaab u noqoneyso doorashadii Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee todobaadyo ka hor Baydhabo ka dhacday.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR