Somali News

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo goordhaw la wareegay Degmada Ceel Buur

1 of 1 Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo goordhaw la wareegay Degmada Ceel Buur
466 Views Date March 26th, 2014 time 3:42 pm

Warar aan goordhaw ka helnay Demada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab milatari ka helaya Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM in ay la wareegeen Degmada Ceel Buur.

Ciidamada Huwanta ah ayaa goordhaw waxa ay dhoor jiho ka galeen Degmada Ceel Buur ,Waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada ay hada isku fidinayaan xaafadaha kala duwan ee kakoobam tahay Degmada Ceek Buur.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Degmada Ceel Buur ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyana ay kula wareegeen si nabad galyo ah , kadib markii ay ka baxeen Degmadaasi Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay.

Inta badan dadkii dagnaa Degmada Ceel Buur ayaa ka barakacay ,Degmada ayaana ah mid cidlo ah aysan joogin dad badan , waxaana lasoo sheegayaa in xaalada degmada hada tahay mid dagan inkasoo isbadal dhinaca maamulka ah uu ka dhacay.


Contact US / NALA SOO XIRIIR