Somali News

Cumar Cabdulle Jacfaan oo Cadaadis kadib maanta si rasmi ah u wareejiyay Xilkii uu hayay

1 of 1 Cumar Cabdulle Jacfaan oo Cadaadis kadib maanta si rasmi ah u wareejiyay Xilkii uu hayay
522 Views Date March 26th, 2014 time 3:50 pm

Gudoomiyihii Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir Cumar Jacfaan ayaa manta xilkii Gudoomiye si rasmi ah u wareejiyay kadib munaasabd balaaran oo lagu qabtay Xarunta Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen Xasan Muungaab ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Gudoomiyaal uu ku jiro Cumar Jacfaan , waxaana soo baxayay warar ku aadan in cumar Jacfaan uu ka carooday xil kaqaadista lagu sameeyay uuna ka biyo diiday in uu xilka wareejiyo.

Cadaadis dhinacyo badan ah oo la saaray ayaa ugu dambeyn waxaa Gudoomiyihii Degmada Hiliwaa Cumar Jacfaan maanta uu xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi oo loo la magacaabay nin ay isku heeb yihiin oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Xaashi..

Saraakiil katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa laga soo xigtay in Cumar jacfaan uu ka dhaga adeegay xil ka qaadista lagu sameeyay uuna aruursaday ciidamo isaga ka amar qaata , waxaana ugu dambeyn Cumar jacfaan cadaadis lagu saaray in uu wareejiyo xilka iyo Ciidamada uu heesto.

Cumar jacfaan ayaa noqonaya Gudoomiyihii Sadaxaad ay qaado seefta xil ka qaadista , waxaana ka horeeyay oo xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Degmada Shibis iyo Gudoomiyihii Degmada Dharkeenley oo isna shalay wareejiyay xilkii uu hayay.


Contact US / NALA SOO XIRIIR