Somali News

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano la socday oo lagu qasbay in ay kasoo tagaan Magaalada Baydhabo

1 of 1 Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano la socday oo lagu qasbay in ay kasoo tagaan Magaalada Baydhabo
332 Views Date March 26th, 2014 time 4:00 pm

Wafdi xildhibaano ah oo uu horkacayey gudoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan iyo xubnaha la socda ee xildhibaanada ah oo gaaraya 20 xildhibaan ayaa kala taageersan shirarka lagu dhisayo maamulada sadexda iyo lixda gobol ee mudooyinkan ka socday Baydhabo.

Shariif Xasan oo maalmo ka hor gaaray Baydhabo ayaa joogitaankiisa magaaladaas waxaa ka dhashay rabshado iyo dibed baxyo looga soo horjeedo oo ay dhigayaan dad taageersan maamulka lixda gobol ee madaxweynaha loogu doortay Madoobe Nuunow.

Rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo ee looga soo horjeeday Shariif Xasan oo wiil dhalinyaro ah uu ku dhintay dad kalena ay ku dhaawacmeen ayaa khal khal xoogan waxay geliyeen amaanka magaaladaas iyadoo la xiray goobaha waxbarashada, wadooyinka qaar iyo suuqyada magaaladaas.

Warar hoose ayaa sheegaya in Shariif Xasan iyo xubnaha la socda ay u yeertay dowlada Somalia si xal looga gaaro khilaafaadka ka taagan sameynta maamulka koonfur galbeed ee Somalia.


Contact US / NALA SOO XIRIIR