Somali News

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Degmada Ceel Buur oo ay la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya

1 of 1 Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Degmada Ceel Buur oo ay la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya
1304 Views Date March 27th, 2014 time 6:51 am

Wararka naga soo gaarayo Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalada Degmadaasi saakay tahay mid dagan ,kadib markii shalay Degmadaasi gacanta u gashay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo is garabsanaya

Ciidamada Huwanta ayaa xalay kusoo rogay Degmadaasi bandow habeen , waxaana aad u yar dadka ku kunool Degmadaasi ,iyadoona inta badan dadkii kunoolaa Ceel Buur ka barakaceen kadib markii ay ka cabsadeen in lagu dul dagaalamo.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM ayaa si taxadar leh waxa ay ku galaan Xarumihii Al-Shabaab kaga sugnaayeen Degmada Ceel Buur , Ciidamada ayaana ka cabsi qaba in xarumahaasi looga tagay waxyaabo qarxa.

Lama soo sheegin wali wax dhibaato ah ay Cidamada Dowada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Qabsaday Degmada Ceel Buur u geestay dadka fara kutiriska ah eek u haray Degmadaasi .

Degmada Ceel Buur ayaa aheed degmada ugu muhiimsan ee Al-Shabaab ka maamulayeen Gobolka Galgaduud , waxa ayna tani qeyb ka noqoneysa degmooyin dhoor ah oo maalmihii lasoo dhaafay gacanta Al-Shabaab ka baxday.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR