Somali News

Faah Faahin kasoo baxaysa Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kawada hadleen R/Wasaaraha Somalia iyo Wasiirada Arimaha Dibada Kenya

1 of 1 Faah Faahin kasoo baxaysa Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kawada hadleen R/Wasaaraha Somalia iyo Wasiirada Arimaha Dibada Kenya
418 Views Date March 28th, 2014 time 8:12 am

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Aamina Cabdalla Maxamed, iyaga oo ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada, ammaanka iyo qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha http://premier-pharmacy.com/product-category/cholesterol-lowering/ ayaa ugu horeyntii uga tacsiyadeeyey dawladda iyo shacabka Kenya dhimashadii ka dhalatay weerar ay kooxo hubeysani ku qaadeen goob Kaniisad ah oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tilmaamay in sidaasi si la mid ah ay kooxaha argagixisadu u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir dhinacyo badan siyaasad,dhaqaale iyo mid bulsho, loona baahan yahay in si wadajir ah iyo iskaashi looga hortago falalka lidiga ku ah ammaanka labada wadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dawladda Kenya sida ay u soo dhoweysay shacabka Soomaaliyeed uguna martigelisay. isaga oo muujiyay walaaca ay ka qabaan amarka dawladda Kenya ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, wuxuuna rajeeyey in dawladda Kenya ay ka qafiifin doonto amarkaas.

“Waxaan ku rajo weynahay in Dawladda Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Kenya Aamina Cabdalla Maxamed ayaa dhankeeda xustay in dawladda Kenya ay ka shaqeyneyso sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi saddex geesoodka ee qaxootiga.

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR