Somali News

Tababar wadanka Turkiga uga socday Diblomaasiyiin da’yar oo la soo gaba-gabeeyay(Daawo Sawirada)

1 of 1 Tababar wadanka Turkiga uga socday Diblomaasiyiin da’yar oo la soo gaba-gabeeyay(Daawo Sawirada)
454 Views Date March 29th, 2014 time 6:38 am

Agaasinka akadeemiyadda diblomaasiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa halay su soo gaba-gabeysay tababar diblomaasiyadeed oo loo fidiyay da’yar diblomaasiyiin Soomaali ah oo kala matalayay waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Da’yarta diblomaasiyiinta oo tiradoodu tahay 10 ruux , ayaa waxaa shahaadooyin kala gudoonsiiyay agaasimaha akadeemiyadda diblomaasiyadda Burco Cevik iyo ambassador Murat Oguz , waxaana xaflad kooban loogu sameeyay hoolka shirarka Mehmet Baydar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Tababrka oo soconayay muddo hal todobaad ah , ayaa waxaa dhalintaasi da’da yar ay ku barteen dejinta siyaasadda dibadda , hab maamuuska iyo qaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka loo guda-galo,loogana baaraan-dego iyo maadooyin kale oo muhiim ah.

Hadal kooban oo munaasabadda ay ka jeedisay Agaasinka akadeemiyadda diblomaasiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga Burco Cevik ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fikirayaan sidii tababaro balaaran loo siin lahaa diblomaasiyiinta da’da yar iyo kuwa sare ee Soomaaliya , ayna rajeynayaan mustaqbalka dhow inay horumariyaan , ayna agaasimaan koorsooyin la jaan-qaadaya baahida aqooneed ee diblomaasiyadda Soomaaliya.

Dhalintaasi tababarka u soo afjarmay , ayaa maantaba waxaa loo ambabixiyay Magaalada Istanbul, halkaasoo muddo laba cisho ah ay ku nagaan doonaan , waxaana sida la qorsheeyay ay booqan doonaan goobo taariikhi ah oo kala ah Masjidka baluugga ah (Sultanahmed),Matxafyada Hagia Sophia, Topkapi Palace iyo goobo kale.

???????????????????????????????



 


Contact US / NALA SOO XIRIIR