Somali News

Kulankii ay Baarlamaanka maanta yeeyeelan lahaa oo fashilmay iyo R/Wasaaraha oon tagin

1 of 1 Kulankii ay Baarlamaanka maanta yeeyeelan lahaa oo fashilmay iyo R/Wasaaraha oon tagin
447 Views Date March 31st, 2014 time 12:02 pm

Waxaa Maanta fashilmay in uu qabsoomo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka ,kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii Xildhibaanada uu ku furmi lahaa kulanka .

Kulanka manta ayaa la sheegay in ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya ilaa 134-Xildhibaan halka la doonayay in ugu yaraan ay xaadir ahaadaan ilaa 130-Xildhibaan , waxaana madasha kulanka isaga tagay saacado kadib Xildhibaanadii soo xaadiray.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa manta la filayay in uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu gudbiyo http://premier-pharmacy.com/product-category/other/ barnaamijya ay Xukuumada Soomaaliya ku howlgaleyso.

Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa shaaciyay in uu manta baaqday Kulankii baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu buuxsami waayay Koorarmka Baarlamaanka , sidookale uu soo xaadiri waayay Ra’izul Wasaaraha oo maanta la filayay in uu Baarlamaanka hor yimaado.

Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marar badan waxa ay u baaqdeen kooram la’aan’ kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka aysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka , Xildhibaanada qaarkood ayaana ku maqan Qaar kamid ah Gobolada Dalka iyo dalka dibadiisa.


Contact US / NALA SOO XIRIIR