Somali News

Labo Askari oo katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo la dilay lagana qaatay Qoryihii ay wateen

1 of 1 Labo Askari oo katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo la dilay lagana qaatay Qoryihii ay wateen
458 Views Date April 2nd, 2014 time 4:11 pm

Labo Askari oo katirsan Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Hoose ,waxaana dilka kadib laga qaatay qoryihii ay wateen Askartaasi.

Goob joogayaal kusugan Degmada mahadaay ee Gobolka Sh/Dhaxe, ayaa ku waramay in labo askari oo katirsan Ciidanka Milatariga in kooxo Hubeesan ku dileen gudaha Degmada Mahadaay kadibka ka qaateen qoryihii ay wateen.

Kooxaha Dilka geestay ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen , Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halkii dilalka dhacay ayaan ku guuleesan soo qabsahada ragii dilka u geestay akartaasi.

Inta badan Dilalka loo geesto Askarta Dowlada ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan Xarakada Al-Shabaab ,inkastoo mararka qaarkood dhacaan dilal qorsheesan ay isku geestaan ciidanka Dowlada dhaxdooda.


Contact US / NALA SOO XIRIIR