Somali News

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo sheegay in Gaba gabo uu Marayo Xalka baydhabo

1 of 1 Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia oo sheegay in Gaba gabo uu Marayo Xalka baydhabo
431 Views Date April 3rd, 2014 time 6:39 am

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah Ee Somalia Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo Dhowr Cisho ku sugnaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta u ah Gobolkaas Bay oo ay isaga iyo Madaxweynahu u gaareen Xal ka gaarista Xiisad siyaasadeed oo Mudooyinkii dambe halkaa ka taagneed ayaa waxaa uu Muqdisho ku soo laabtay  Shalay maqribkii isagoo ka warbixiyay safarkiisii Baydhabo iyo Waxyaabihii u soo qabsoomay .

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa uu marka hore si wanaagsan ugu Mahadceliyay Bulshada Reer Baydhabo oo u ku sheegay in ay yihiin Dad diyaar u ah in ay maamul iyo kala dambeyn Sameystaan ayna soo dhaweeyeen madaxda Dalka Xiisadii siyaasadeed ee ka dhex jirtay ayuu sheegay Gudoomiyuhu in ay soo qaboojiyeen oo ay hada diyaar u Yihiin in ay wada hadal ku dhameeyaan wax walba oo u dhaxeeya .

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa waxaa uu  qiray in Dowladda Federaalka ah ay ka Gaabisay arimaha baydhabo Lkn hada ay Isaga iyo Madaxweynuhu arintaa isla garteen in ay wax ka qabtaan reer baydhabana ay u soo balan qaadeen.

Magaalada baydhabo ayaa waxaa Bilihii ugu Dambeeyay ka taagnaa Xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya Labo Kooxo siyaasadeed oo isku haya maamulka Gobolada koofur galbeed Somalia arintaa ayaan akeentay in Madaxda dalka ugu sareysaa ay Baydhabo Miisaan dheeraad ah siiyaan .

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR