Somali News

Xildhibaankii Booska u baneeyay Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Shaaciyay in uu is casilay!!

1 of 1 Xildhibaankii Booska u baneeyay Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Shaaciyay in uu is casilay!!
578 Views Date April 3rd, 2014 time 8:10 am

Shabakada Ayaamonews ayaa shalay Baahisay xog ku aadan in Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) uu kamid noqonayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu booska u baneeyay Xildhibaan ay isku heeb yihiin.

Sida aan baahinay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xirsi (Qorrax) oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xubninimadiisa Baarlamaanka si hoose ugu wareejiyay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna Xildhibaanka Booska Wareejiyay hada uu shaaciyay in uu ka baxay Baaralmaanka.

Kadib markii aan Baahinay Xogta ku aadan in Xildhibaan Maxamed Qorax uu Xilka Xildhibaanimo ku wareejiyay Cabdi Faarax Sheyrdoon , ayaa durba waxaa Idaacada BBC-da la hadlay Xildhibaan Qorax waxa uuna sheegay in uu Iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Iscasilaada Xildhibaanka hada ku dhawaaqay oo u muuqata mid Siyaasadeed, ayuu sheegay in kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya uu uga tagay arimo dhoor ah ay ugu horeeso Dowlada Soomaaliya oo ku fashilmatay Howlihii loo igmaday sida uu tilmamay.

Xildhibaan Qorax oo kusugan Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ,ayaa xusay in Odayaashii markii hore u doortay in uu Baarlamaanka u matalo hada uu ku celiyay Xubanimadii Baarlamaanka kuna war galiyay Cidii ay rabaan in ay u dhiibtaan.

Waxaa Soo baxayay Warar Sheegaya in Xildhibaan Qorax uu Booska Xildhibaanimo ku wareejiyay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) , waxaana taa badalkeeda Xildhibaanka Booska Baneeyay isna la siiyay lacag aan cadadeeda rasmiga ah la shaacin.


Contact US / NALA SOO XIRIIR