Somali News

Alshabab oo Hanjabaad Culus u jeediyay dad Beeralay ah.

1 of 1 Alshabab oo Hanjabaad Culus u jeediyay dad Beeralay ah.
460 Views Date April 5th, 2014 time 6:53 am

Ururka Al Shabaab, ayaa awaamiir culus ku soo rogay shacabka ku dhaqan Deegaanada ku teedsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Shabaabka, ayaa sheegay in qoys kasta ay ka doonayaan in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan oo shilin Soomaali ah, haddii kalana aynaan xilligaan samayn karin wax beero abuurid ah.

Shabaabka, ayaa dadka u sheegay in ay kaga diggayaan inay bixin waayaan lacagahaasi, haddii kalana ay ka fogaadaan in xilli beereedkaan ay beerahooda fashaan, dallagyo kala duwana ay beeraan.

Deegaanada ay awaamiirtaan ku soo rogayn Shabaabka, ayaa waxay kala yihiin Baanyaale, Kurkurow & Madiina, Gaal-loge, Caashaa iyo Mooda http://premier-pharmacy.com/product-category/gastrointestinal/ Mooda, oo dhammaantood ku wada yaala inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakaba.

Dagaal-yahanada Shabaabka, ayaa u caga jugleeya haweenka caanaha u iib geeya suuqyada Magaalada Baydhabo, kolka ay dib ugu soo laabtaan Deegaanada, ay awaamiirta ku soo rogayn.

Tani, ayaa culeys ku noqoneysa dadka ku dhaqan Deegaanada ku teedsan Xarunta Gobolka Baay, isla-markaana majirto wax war ah oo weli ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Baay.

Ciidan fara badan oo ka tirsan Militariga Dowladda, ayaa ku kala sugan Baydhabo iyo Buurhakaba, mana cadda in ay ku dhaqaaqi doonaan Deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Magaalooyinkaasi iyo in kale.


Contact US / NALA SOO XIRIIR