Somali News

Baarlamaanka Dalka Jarmalka oo isku raacay in Saraakiil Ciidan u diraan Dalka Soomaaliya

1 of 1 Baarlamaanka Dalka Jarmalka oo isku raacay in Saraakiil Ciidan u diraan Dalka Soomaaliya
424 Views Date April 5th, 2014 time 7:00 am

Baarlmaaanka Dalka Jarmalka ayaa dood dheer ay yeesheen kadib waxa ay u codeeyeen in Dalka Soomaaliya loo diro Saraakiil ciidan oo gacan siiya Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Kadib Kulan balaaran ay yeesheen Baarlamaanka Dalka Jarmalka ayey isku raaceen in dalka Soomaaliya loo diro Saraakiil ciidan oo gaaraya ilaa 20-Sargaal kuwaa oo tababar siinaya Ciidanka Dowlada Soomaaliya loogu tababarayo gudaha Dalka.

Saraakiishan Jarmalka kasocda ayaa ku biiraya Saraakiil kale oo kocotada Wadamada Midowga Yurub kuwaa oo dowlada u tababara Ciidanka Dowlada , waxaana mar sii horeesay laga soo wareejiyay xeryihii lagu tababari jiray Ciidanka Dowlada Dalka Uganda, waxaana hada Ciidanka Dowlada lagu tababaraa gudaha Muqdisho.

Mucaaradka Dalka Jarmalka ayaa kasoo horjeestay tilaabada Dalka Soomaaliya loogu dirayo Saraakiil ciidan oo gacan siiya Ciidanka Dowlada Soomaaliya , waxa ayna mucaaradka ku tilmaameen tilaabada ay qaateen Baarlamaanka mid aan laga fiirsan.


Contact US / NALA SOO XIRIIR