Somali News

Q.M oo dhuunta qabaneysa qaxootiga jooga Dhadhaab

1 of 1 Q.M oo dhuunta qabaneysa qaxootiga jooga Dhadhaab
461 Views Date April 5th, 2014 time 7:13 am

Shaqaale ka tirsan hay’ado gar gaar bixiya oo taabacsan QM ayaa sheegay in qaar kamid ah hay’adihii gar gaarka bixinaayay ay si KMG ay u hakiyeen howlihii gar gaar ay ka sameenayeen xerada qaxootiga Dadaab ee waqooyiga dalka Kenya,arintaasi waxa ay ka dambeesay kadib 3-qarax oo habeenimadii khamiista ka dhacay gob ay diyaaraduhu ay ka kacaan.

Mas’uul u hadlay QM ayaa sheegay in ay hakiyeen howlihii gar gaarka bini aadanimo ay ka wadeen xeradaasi oo ay ku jiraan Soomaali badan waxana uu shaaca ka qaaday in xaalada hada soo cusboonaatay ay kala xaajoon doonaan qubaro dhanka amanka qaabilsan.

Inkastoo qaraxyadaasi ay ahaayen kuwo bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaan waxyeelo dhalin balse hay’adahaasi  ayaa muujiyay cabsi ay ka qabaan weeraro noocasi oo kale ah ay ka kulmaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.


Contact US / NALA SOO XIRIIR