Somali News

Al-Shabaab oo maanta Fagaare kusoo bandhigtay Meydad ay sheegeen in ay yihiin Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan

1 of 1 Al-Shabaab oo maanta Fagaare kusoo bandhigtay Meydad ay sheegeen in ay yihiin Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan
1673 Views Date April 6th, 2014 time 2:40 pm

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta sheegtay in Fagaare kuyaala Degmada Waxbo ee Gobolka Galgaduud kusoo bandhigeen meydadka Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in maalintii shalay ku dileen Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Degmadaasi.

Sida ay baahiyeen Wabaahinta Al-Shabaab Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Degmada Wabxo halkaas ay Al-Shabaab kusoo bandhigeen Meydad ay sheegeen in ay yihiin Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dilay Dagaalkii Cuslaa ee shalay ka dhacay Duleedka Degmaasi.

Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa kasoo muuqday fagaaraha lagu soo bandhigayay Meydadka Ciidamada Itoobiya ee shalay dagaal culus ku qabsaday Halkaasi , kuwaa oo la sheegay in Ciidamada Itoobiya ka carareen.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Al-Shabaab Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay dadweyne isugu soo baxay fagaaraha lagusoo bandhigay meydadka ciidamada Itooiya ayaa shacabka ugu baaqay in gacan siiyaan Al-Shabaab si ay cadowgooda uga adkaadaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaano kuyaala Xadka Gobolada Galgaduud iyo Wabxo waxa ka dhashay Qasaaro aad u xoogan oo labada dhinac kala gaaray , Saraakiil u hadashay Ciidamada Dagaalamay ayaa mid waliba waxa uu dhankiisa sheegtay guulo wax ku ool ah.


Contact US / NALA SOO XIRIIR