Somali News

Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo Magaalada Muqdisho lagu toogtay xili ay dhac ku hoolanaayeen

1 of 1 Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo Magaalada Muqdisho lagu toogtay xili ay dhac ku hoolanaayeen
546 Views Date April 6th, 2014 time 2:12 pm

Ciidamo katirsan Maamulka Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa xalay dilay nin ku labisnaa Dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya, kaa oo xiliga la dilayay la sheegay in uu ku hoolanaa dhac dadweyne.

Dadka Deegaanka ayaa ku wargaliyay Ciidanka amaanka Degmada Dharkeenley in rag kulabisan Dareeska Ciidanka Dowlada ay dhac kawadaan xaafado u dhaxeeya Ceel Dheere iyo Xerada Qaxootiga ee Badbaado.

Ciidamada Dowlada ayaa isku dayay in gacanta ku dhigaan raga burcada ee dhaca waday ,hasa ahaatee waxaa kabiyo diiday in la qabto Kooxihii burcada ahaa ,waxaana halkaasi ka dhacday israsaaseyn lagu Dilay Mid kamid ah Kooxihii burcada halka mid kalana isaga oo dhaawac ah gacanta ku dhigeen Ciidamada Amaanka.

Saraakiisha Amaanka Degmada Dharkeenley ayaa ku waramay in ay baadi goob ugu jiraan nin kale oo kamid ahaa Kooxihii burcada ee baarshada ku hoolanaa oo xalay ka baxsaday gacanta Ciidanka amaanka ee Degmada Dharkeenley.

Rag ku labista Dareeska Ciidanka Dowlada ayaa xiliyada habeenkii waxa ay dhac iyo boob ka geestaan Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana arintan cabasho badan ka keenay shacabka Xaafadahaasi dagan oo qaarkood cabsi owgeed banaanka usoo bixi waayay banaanka xiliyada habeenkii.


Contact US / NALA SOO XIRIIR