Arimaha Bulshada, Somali News

Ceeb ayeey Wajiga la daboosheen!! (Bal arag Yaabka ka dhacay Masar)

1 of 1 Ceeb ayeey Wajiga la daboosheen!! (Bal arag Yaabka ka dhacay Masar)
15632 Views Date April 8th, 2014 time 7:38 pm

Maxkamad ku taala Masar ayaa 8 Sano oo Xarig ah ku xukuntay Nin, Saddex Nin oo kalena waxay ku xukuntay Saddex Sano oo Xarig ah, ka gadaal markii dhamaan Raggan lagu eedeeyay inay agaasimeen Xaflad ay Rag isku guursanayeen.

Xeer Beegtida guud ayaa Afarta Rag oo ay Qaniisyo ku magacaawday waxay ku eedeysay inay Galmood Wadareed ku sameeyeen Guri uu midkood leeyahay.

Maxkamad kale oo Magaalada Nasar ku taalana Raggan waxay ku ridday Xukun Ganaax Lacageed ah oo gaaraya midkiiba Kun Giniga Masar ah.

Baaritaanada Maxkamadda ayaa lagasoo xigtay in Raggan Afarta ah ay Dharka Haweenka xirteen, sidaasna ay Galmood ula sameeyeen Rag kale iyagoo Lacag ku badalanaya.

Sanadkii 2001-da ayaa Masar lagu maxkamadeeyay 52 Rag ah oo Qaniisnimo ku eedeysan, Falkaas Maxkamadeynta ahna Hey’adaha Xuquuqul Insaanka ee Dunida ayaa aad u cambaareeyay.

Ragga Sanadkaas la xukumay waxaa ku jiray 23 iyaga ka mid ah oo Xabsiyo 5 Sano gaaraya lagu riday, iyo qaar kale oo Dambi lagu waayay.

Sharciga Masar si toos ah ugama hadlayo Qaniisnimada iyo Galmoodka Dadka isku Jinsiga ah dhex mara, balse guud ayuu Falalka ceynkaas ah ugu Magacaabaa Fisqi, ahna wax la reebay.

Waxaa caada u ah Hey’adaha Xuquuqda Aadaniga u dooda inay ka qayla dhaamiyaan oo ay cambaareeyaan Maxkamadeynta iyo Ciqaabta la marsiinayo Dadka ceynkan ah, balse Diinta Islaamka oo ah halka uu Dhaqanka Umaddeenu ku tiirsanyahay ayaa iyadu reebtay Falalkan iyo kuwa la hal maala.

daa


Contact US / NALA SOO XIRIIR