Somali News

Daawo Sawirada Meydadka Labo Sargaal oo katirsanaa Qaramada Midoobay oo maanta laga sagootiyay Garoonka gaalkacyo

1 of 1 Daawo Sawirada Meydadka Labo Sargaal oo katirsanaa Qaramada Midoobay oo maanta laga sagootiyay Garoonka gaalkacyo
675 Views Date April 8th, 2014 time 6:53 pm

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo laga duuliyay Meydadka labo sargaal oo katirsana Hay’ada Qaramada Midoobay oo maalintii shalay Askari katirsan Ciidanka Puntiland ku toogtay garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Xubno katirsan Golihiisa Wasiirada ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalakcyo ,waxa ay ka sagootiyeen meydaka labada Sargaal ee katirsanaa hay’ada UNODC ee shalay Gaalkacyo lagu dilay.

Cabdi Wali Gaas kulan xasaasi oo albaabada u xirnaayeen waxa uu la qaatay ku xigeenka wakiilka Soomaliya ee Qaramada midoobey Philippe Lazzarini iyo xubna sare oo ka socda laamaha hay’adaha Qaramada Midoobey, waxaana kulankaas looga hadlayay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ugu wanaagsan ee baaritaan dag dag loogu samayn karo dhacdadii ka dhacday magaalada Galkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Maamulka Puntland iyo shacabkeedu ay la qayb sanayaan tiiraanyada iyo xanuunka dhamaan ehelada iyo shaqaalaha Qaramada midoobay waxaana uu ka balan qaaday in dhacdo noocan oo kale ah aysan dib danbe ugu dhici doonin guud ahaan Puntland.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Puntiland iyo Xubnaha kasocday Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah waxa ay u sagootiyeen Meydaka labada Sargaal ee u kala dhashay Dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ee shalay lagu toogtay gudaha Garoonka Gaalkacyo.












Contact US / NALA SOO XIRIIR