Somali News

DEG DEG: Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobalka Banaadir oo goordhaw qarax lagu dilay magaalada Muqdisho

1 of 1 DEG DEG: Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobalka Banaadir oo goordhaw qarax lagu dilay magaalada Muqdisho
826 Views Date April 9th, 2014 time 8:09 am

Warar aan koordhaw ka helnay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lagu dilay xoghayihii degmadaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Muudey.
Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Wadajr gaar ahaan xaafada Xaawo Taako uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid gaarigiisa loo soo galiyay xoghayaha.
Inta la xaqiijiyay Xoghaye Muudey ayaa qaraxaas ku dhintay kaligiis iyadoo ka dib qaraxa ay halkaas soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee degmada Wadajir.
Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda warbixin toos ah oo ay ka bixiyen maamulka Degamada Wadajir oo ku aadan qaraxaan iyo in ay jiraan dad ay u soo qabqabteen.


Contact US / NALA SOO XIRIIR