Somali News

farmaajo si kulul ugu hadlay Tacadiga Lagu Haayo Soomalida Dalka Kenya

1 of 1 farmaajo si kulul ugu hadlay Tacadiga Lagu Haayo Soomalida Dalka Kenya
899 Views Date April 9th, 2014 time 8:18 am

Ra.iisul wasaarihii hore Ee Dalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulaahi maxamed Farmaajo oo ku sugan Wadanka Mareykanka ayaa isagoo la hadlayay Idaacadaha oo Fadhigeedu Yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu si aad ah u cambaareeyay Falka Ciidamada amaanka Dowladda Kenya ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Xabsiyada Wadanka Kenya ku jira

Mr farmaajo ayaa waxaa uu xusay Waxa ay sameynayaan Ciidamada amaanka Dowladda kenya ay tahay wax laga xumaado oo keeni kara Cawaaqib Aysan mahdin Dowladda Kenya Waxaa uu uga digay Kenya in arintani ay cadaawada ku badiso isla markaana kooxaha amaan darada ka geysanaya wadankaas ay taageero helaan.

isagoo sii hadlaya ayaa Maxamed cabdulaahi farmaajo waxaa uu is weydiiyay Sababta Dowladda Somalia ay uga aamustay Dhibaatada Dadkeeda ku haysata Wadamada ay kenya ka mid tahay isagoo Aamusnaanta bar bar dhigay Safarkii Madaxweynuhu ku tagay Nairobi oo ah halka Somalia tacadiyada ay kala kulmayaan uuna la kulmay Hogaanka ugu sareeyay Dowladda Kenya .

 


Contact US / NALA SOO XIRIIR