Somali News

Madoobe & Wefdiisa Oo Loo Diidey Iney Ka Dhoofaan A. Cade Airport & Wefdi Geesey Hogaaminaya Oo Xamar

1 of 1 Madoobe & Wefdiisa Oo Loo Diidey Iney Ka Dhoofaan A. Cade Airport & Wefdi Geesey Hogaaminaya Oo Xamar
16123 Views Date June 4th, 2014 time 7:14 pm

Geesey & Shiino Macalin Nuurow oo labaduba wasiiradii Madoobe ka harsanaa wefdi ay hogaaminayaan ayaa waxaa loogu yeerey oo dayaarad qaas ah loogu soo direy Baydhabo kuwaasoo ukictamey Muqdisho oo ay ku sugan yihiin weli Kooxdii uu hogaaminayey Madaxweyne Nuunow oo maanta ayagoo raba iney Baydhabo usoo duulaan si qasab ah looga celiyey Garoonka Int. Aadan Cade Airport Muqdisho.
waxaa saaka Muqdisho dayaarad qaas ah loogu soo direy Shiino & Geesey oo Baydhabo ku harsanaa Kooxixii Dowlada ubixisey Gooma- Gubayaashawaxaana amar lagu siiyey saaka in dayaarad loosoo direy ayna soo raacan oo ay Baydhabo kasoo baxaan oo ay imaadaan Xamar kadib ayagana Fikirkooda la ogaado maadaama ay Koxdii Madoobe ay Dalbadeen 450,000 Dollar lacag gaareysa ayna ka tanaasulayaan Sheegashadooda Maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol taasoo dowlada aan weli jawaab cad ka bixinin in lacagtaasi ay bixineyso ayaa saaka waxaa dhacde in wefdigaasi M. Nuunow laga celiyo Garoonka Iney Ka Dhoofaan.

Madoobe Nuunow iyo Wefdigiisa oo xamar ku raagey kuna jooga qaab aan aad u wanaagsaneyn oo xiligaan aanu in badan sheegi karin qaabka nolosha iyo xurnimada ay kunool yihiin ayaa saaka waxay wefdigaasi usoo qalabq aateen iney Baydhabo kusoo laabtaan oo markale Goomo Gubow iyo qancin Malaaqyadii waxaa Si lama filaan ah Garoonka uga daba yimid ALFA GROUP oo amar kubixiyeen inaan Wefdigaan ilaa amar dambe aysan ka dhoofi karin Garoonka.

Warbaahinta arlaadii oo dad badan Run neceb ah aan jecleyn ayaa horey usaadaalisey waxa maanta dhacay waxayna markii imaanayeen Kooxda Madoobe Nuunow ay ka qoreen Warkaan hoose ee dib u aqri, maantana xaqiiqda hadii wefdiga laguula socdo si hoose uwac oo u weydii waxa foolxumo ah oo ka dhacay Garoonka Aadan Cade Int. Airport Muqdisho.

Raad Raac :http://baidoanews.com/articles/19772/Natiijada-Wefdigii-Koonfur-Galbeed-Garabka-Madoobe-Nuunow-Dowlada-Soomaaliya


Contact US / NALA SOO XIRIIR